Mas’uuliyiinta Masaarida ayaa ka digay Cadar Wax Dilaya oo la isla dhex wareegayay warkiisa kaas oo la sheegay inuu keenay dhimasho ka dib markii la isticmaalo 3 maalmood.
Xukuumada ayaa ka digtay isticmaalka cadar la yidhaahdo “Relax” waxaanao lagu dhejiyey Farmasiiyada iyo dukaamada cadarka iibiya Kaas oo keenaya dhimasho ka dib 3 maalmood isticmaalkiisa.
Masuuliyiinta waxay warqad u direen dhammaan Maamulayaasha gobollada iyaga oo waydiisanaya inay sameeyaan olole ay ku baadigoobaan ayna u soo diraan shaybaadhka si loogu sameeyo Baadhis gaar ah iyo in ay u digaan muwaadiniinta .
Waxaa la go’aamiyey in la sameeyo ololeyaal degdeg ah oo ku saabsan dukaamada hadiyadaha Kuwa Cadarda iyo Farmasiyada si looga baadho Cadarka Wax Dilaya.
Dhinaca kale dadka isticmaala boggaga Bulashada ayaa bilaabay ololeyaal degdeg ah oo Facebook ah Si ay ugu digaan Muwaadiniinta Isticmaalka Cadarkans.
Warqabadka ToggaHerer