Gudaha Ka Eeg :Madax-Dhaqameedka Iyo Haldoorka Beelaha Gaashaambuur Oo Taageero Mug Leh U Muujiyay Xisbiga KULMIYE .

Madax-dhaqameedka, Waxgaadka, Aqoonyahanka, Dhalinyarada Beelaha Gaashaambuur ayaa maanta xaflad balaadhan oo ay isugu yimaadeen ku taageeray Xisbiga KULMIYE .

Waxaana Madashan ku sugnaa Masuuliyiin isugu jiay Wasiiro, Agaasimayaal, waxgarad, Guddida Guud Ee Beeshaasi iyo masuuliyiin kale .

Xubno ku hadlayay afka Beeshaasi oo isugu jiray Madax Dhaqameed iyo wax garad kale, ayaa dhamaantood sheegay in Beeshu isku raacday Taageerada Xisbiga KULMIYE .

Gudoomiyaha Guddida Beelahaasi Mudane Maxamed Cismaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Beeshu ay taageesantahay Xisbiga KULMIYE .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Mudane Maxamed Xuseen Dhabeey iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Duulista Cumar C.laahi Aadan, waxaanay ku nuux-nuux-sadeen sida Beeshu u taageersantahay Xisbiga KULMIYE, Iyagoo haldoorka Beeshaasna uga mahad-naqay taageerada Mugga leh ee ay muujiyeen .

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in manta Beeshu iyadoo isku duuban ay bar-bar taagantahay Xisbiga KULMIYE .

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga KULMIYE Mudane Cabdi Najax oo isna hadlay ayaa soo dhaweeyay taageerada Beeshu u muujisay Xisbiga KULMIYE .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso