Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel McCron ayaa Jimcihii ugu baaqay xukuumadda Ciraaq inay aqoonsato xuquuqda dadka Kurdida ah, ayna ka fogaadaan korodhka Xiisada, laakiin sidoo kale waxay uu Sheegay baahida loo qabo ilaalinta midnimada Ciraaq.
Wadahadal telefoon oo uu la yeeshay ra’iisul-wasaaraha Ciraaq Haidar al-Abadi, McCron ayaa soo bandhigay si uu gacan uga geysto yaraynta xiisadda ka dhaxaysa Ciraaq iyo Kurdiga ka dib aftidii Gooni Isutaaga.
War saxaafadeed ka soo baxay taleefanka kadib, Macaron wuxuu sheegay in uu Cabaadi ugu yeedhay inuu booqdo Paris 5-tii October si uu ugala hadlo arrinta. Madaxtooyada Faransiiskuna waxa sheegtay in uu Cabbaadi uu aqbalay martiqaadkan Macron.
Waxaana Bayaanka lagu sheegay In McCron u sheegay in laga Fogaado wax kasta oo Kordhinya Xaalada Hadda Taagan.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku boorriyay labada dhinac in ay midoobaan mudnaanta ay siiyaan Jabinta Daacish ayna ku baaqaan xasillooni Ciraaq.
Warqabadka ToggaHerer