Salaadii Ciidal Adxada 2017 Qaahira
Madaxa hey’ada dhexe ee isuduwidda iyo tirakoobka Abu Bakr al-Jundi ayaa Maanta sheegay in dadweynaha Masar ka badan yahay 104 milyan oo qof halka 9 milyan oo qof ku nool yihiin dibadda .
Kulan ay ka soo qaybgaleen madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayuu ka sheegay in tirada Masaarida e 18-kii April ee sannadkan ay ahayd 94 milyan iyo 798,827, halka tirada Masaarida ku nool dibedda ay yihiin 9 milyan iyo 470,674.
Wuxuu intaa ku daray in tirada guud ay 104 milyan iyo 269501 qof.
Dadweynaha Masar waxay gaadheen 94798827 bishii Abriil korodhkuna waa 22 milyan tan iyo 2006-dii markii tirakoobkii ugu dambeeyay la qabtay.
Dadka ku noolaa dalka ayaa ahaa 38.3 malyan sanadkii 1986 iyo 59.3 malyan oo 10 sano ka dib.
Abu Bakr al-Jundi ayaa sheegay in Masaarida da’doodu u dhaxayso 15 iyo 34 ay yihiin boqolkiiba 34,8 oo ka mid ah dadweynaha.
Tirada dadka caasimadda Masar ee Cairo iyo gobolka Giza ayaa ku dhow 18.1 milyan oo qof.
Al Jundi ayaa kaga dhawaaqay tirooyinkan telefishanka Sabtidii Waxaanu sheegay in Masar ay gashay Darajada 13aad ee wadamada adduunka ugu tirada badan.
.
Warqabadka ToggaHerer