Tobanaan Kun oo Jidadka Barcelona isugu soo baxay   Ka Hor Aftida Gooni Isutaaga Catalonia

Tobanaan kun oo dibadbaxayaal ah ayaa iskugu soo baxay wadooyinka Barcelona Spain Banaanbixii ugu dambeeyey ee ololaha aftida Catalan.

Qolooyinka Taageersan Aftida ayaa ku adkeysanaya in ay Axadda Qabanayaan inkastoo ay mucaaradsan yihiin mas’uuliyiinta Spanishka

Kumanaan bilays oo dheeraad ah ayaa looga yeedhay dalka oo dhan iyada oo dawladdu isku dayayso inay ka hortagto Aftida.

Gobolka Catalonia  oo ah gobolka hodan ah  waxa ku nool 7.5 milyan oo qof waxayna dhacadaa waqooyiga bari ee Spain waxay ku hadlaan luuqado kala duwan waxayna leeyihiin dhaqan gaar ah iyo Xukun Hoosaad Sare, laakiin looma aqoonsan inuu yahay gobol gooni u taagan  sida uu dhigayo Dastuurka Spain.

Cadaadiska aftida ayaa taagnayd shanta sano ee la soo dhaafay laakiin isbahaysiga xisbiyada taageersan ayaa ku guulaystay doorashooyinka gobollada 2015-kii, iyadoo boqolkiiba 40 codbixiyeyaashu ay taageerayaan dhinacyada daacad u ah midnimada Spain.

Warqabadka TogaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso