Booliska Canada ayaa sheegay in habeenkii xalay magaalada Edmonton wuu darawal weeraray Askari Boolis ah ka hor intuusa kaxaysan baabuur cad oo si ula kac ah u jiidhsiiyey dad lugaynayay Badhtamaha Magaalada.
Warbaahinta maxalliga ahi waxay soo warisay in afar qof ay ku dhaawacmeen waxayna intaa ku dareen in ninka weerarka soo qaaday uu calanka Daacish uyaalay Kurisga hore.
Rod Knic Afhayeenka Booliska oo saxaafada kula hadlay Magaalada ayaa sheegay in la xidhay Ninkii weerarka ahaa Waxaana loola macaamilayaa dhacdada fal argagixiso, Waxa uu carabka ku adkeeyay in dhaawaca askariga bilayska aanu weynayn.
Rudd ayaa sheegay in bilowga baadhitaanku muujinayo in Ninka Weerarka Geystay uu kali ku ahaa falka.
Waxa kale oo uu xaqiijiyay warkii warbaahinta maxaliga ahi soo warisay ee ahaa in laga helay calanka Daacish gaadhiga weyn waxaanu aha gaadhi cad.
Warqbadka ToggaHerer