Video .. Houthis oo Sheegay in ay Soo Rideen Diyaarad Basaas oo Mareykan ah!!!

Warbaahinta Houthi ayaa soo wariyay subaxnimadii Axadda in difaacooda Cirku ay soo rideen diyaarad nooca wax basaasa ee bilaa duuliyaha ah lagana leeyahay Maraykan  Nooceeduna yahay MQ-9  caasimadda Sana’a.

Dadka degaanka ayaa soo wariyay in diyaarad milateri ah ay ku degtay caasimadda, iyada oo aan caddayn aqoonsigeeda.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay “Al-Mash-had Yemen” in ay arkeen Rasaas loo ridayo Hawada Caasimada Sanca Dhinaca Mandaqada Jader oo la aaminsan yahay in diyaarad ku dhacday.

Isbahaysiga carabta oo Dagaal ka wada Wadanka Yemen  ma uusan soo saarin wax faallo ah illaa iyo hadda mana jirto wax ka soo baxay xaga Maraykan-ka kana bixiyeen sheegashada Houthi.

Dhanka kale waxaa laga soo xigtey wakaaladda wararka ee Yemen (Saba) kana soo xigteen ilo ciidan waxa lagu sheegay in difaaca hawadu uu toogtay diyaarad Mareykan ah “MQ 9” aagga Jedr ee caasimada.

 Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso