Dhaqdhaqaayada Raba Gooni IsuTaaga iyo Xuquuqdooda oo Ka Curtay Wadanka Cameroon !!!!

Bilayska Cameroon ayaa Axaddii ku furay Rasaas mudaaharaadayaasha ku sugan Deeganada ku hadla af-Ingiriiska kadib markii ay dalbadeen in gobolkoodu gooni iskaga Istaago Qaybta ku Hadasha afka Faransiis.

Goobjoogayaal ayaa u  sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters in mas’uuliyiinta Cameroon ay dileen ugu yaraan siddeed qof ayna dhaawaceen dad kale intii ay socdeen dibad-baxyo qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah Dabaaldega xorriyadda  madax-banaanida Dadka ku Hadla Afka Ingiriiska.

Dibad-baxyada oo bilowday dabayaaqadii sannadkii hore ayaa waxay ku bilaabantay mucaaradad ka soo horjeeda Madaxweynaha Cameroon Paul Biya ee xukunka haya 35-sano.

Dibad-baxayaasha waxa hogaamiya dhaqdhaqaaqa Ampazonia oo bilihii u dambeeyey  horseeday dibad-baxyo looga soo horjeedo Dawlada ay Hogaamiyaan kuwa ku hadla Afka Faransiiska .

 Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso