War Deg Deg ah: Sirdoonka Ruushka oo Furfuray unugyo Daacish oo ka hawlgalayay Moscow!!!

Hay`adda Amniga Federaalka ee FSB (FSB) ee Wadanka Ruushka ayaa fashilay dhaqdhaqaaqyo argagixisanimo oo ay wadeen ururka argagixisada ee Daacish gobolka Moscow.

Hay’adda ayaa ku sheegtay hadal ay soo saartay in xagjiriin ajaanib ah ay hoggaaminayaan unugyadan kuwaas oo qorsheenayay falal argagixiso oo taxane ah.

Kooxdan ayaa lagu Qabtay Laba bambo Oo Xoog weyn diyaarna u ahaa qarax laba baaskooladood laba bam gacmeed qalab isgaadhsiineed iyo qalabka lagu soo saaro qalabka qarxa ee la macmalay .

Sida laga soo xigtay war-murtiyeedka unuggu wuxuu ahaa mid aad u qarsoodi ah laakiin Ciidamada amnigu waxay qabteen dhammaan xubnahahan intii lagu jiray hawlgal ammaan oo ka socday gobolka Moosko.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso