Gudaha Ka Eeg :Gudoomiyaha Ku Meel-Gaadh-Ka Ah Ee Xisbiga UCID Oo Maanta Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargaysa .

Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Ku Meel Gaadh-ka ah ee Xisbiga UCID Mudane Maxamed Macalin Xirsi Axmed .

Waxaana soo dhawayntiisa ka qeyb-qaatay Saraakiisha Sare Ee Xisbiga UCID oo u hormuud u ahaa Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan .

Sidoo kale Waxaa soo dhawaynta ka qeyb qaatay Taageerayaal tiro-badan iyo madax-dhaqameed .

Waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiinta Xisbiga UCID oo halkaasi ka yidhi kalmado soo dhawayn ah, iyagoo sheegay in xisbigu uu dar-dar xoogan lagu wado, isla markaana uu sannadkan guulaysan doono .

Murashaxa Madaxweyne ku Xigeenka UCID Prof Axmed Cabdi Abyan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga UCID uu astaan u yahay Midnimada Somaliland, isagoo soo dhaweeyay Gudoomiyaha ku meel gaadh-ka ah .

Ugu dambayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee UCID Mudane Maxamed Macalin Xirsi Axmed, waxaanu u mahad-naqay dadwahynaha soo dhaweeyay, isagoo sheegay in Murashax Faysal uu taariikh cusub dhigay, isla markaana Xisbiga UCID uu maanta yahay xisbi uu gobol waliba uu iska dhex arkayo .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso