Madaxweynaha Nigeria: Ma oggolaan doono Kala Qaybinta dalka, Daruurta Gooni Isutaaga oo ka Hoortay Nigeria!!!

Madaxwaynaha Nigeria Mohammad Bukhari ayaa Axaddii sheegay inuusan u oggolaan doonin in waddanku kala googo ka dib baaqyada ka socoda gobollada dalka qaarkood ee in ay ka go`aan dalka intiisa kale.

“Kooxo ayaa doonaya in ay dalka kala gooyaan  ma oggolaan karno,” ayuu Bukhari u sheegay sida laga soo xigtay barnaamij uu sii daayay telefishanka qaranka .

Nigeria ayaa waxa ka socda  Dhaqdhaaqyo iyo baaqyo ah in Gobolka Koonfur Bari ee Biafra iyo sidoo kale gobolka Niger Delta ay ka go`aan Nigeria inteeda kale .

Nigeria waa waddanka ugu weyn Africa oo leh dhaqaalaha ugu weyn ee qaaradda laakiin Waxa ka jira Dhibaatooyin ka dhex jira Muslimka iyo Masiixiga Dalka Kuwaas oo tiradoodu gaadhayso 180 Miyan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso