Daawo : Jidh Dilka ay u Geystaan Ciidamada Amniga Iran Dadka Ahwazin kuna Khasbaya……..

Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa ku soo bandhigay qaybo ka mid ah shabakadaha internet-ka Fiidyaw muujinaya Mid ka mid ah Ciidamada Amaanka oo jidh-dil u geysanaya dadka Carabta ee Al-Ahwaz sidoo kalena ku qasbaya inay  ooyaan,.

Arrinkan ayaa keenay Mawjado Xanaaq ah Waxaana aad uga hadlay dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha.

 

Ciidamada amniga gudaha ee Iran ayaa garaacaya iyaga oo xidh-xidhan una adeegsanaya Hababka Dagaalka wuu  aflagaadaynayaa waxaanu ku tilmaamayaa waxaan haboonayn isaga oo ku qasbaya inay taahaan oo ku daydaan una ciyaan sida Eeyaha.

Dhaqdhaqaaqayaasha Ahwazi iyo dhaq-dhaqaaqayaasha Iiraan ayaa cambaareeyay ficilkan taas oo ay ku tilmaameen mid lid ku ah sharciyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah waxayna ku baaqeen in lagu ciqaabo qodobbada amniga raga geystey jidh dilka.

Lama garanayo Wakhtiga iyo Goobta laakiin dhaqdhaqaaqayaasha Ahwazin iyaga u maraya xidhiidhada bulshada ayaa sheegay in ay tahay dad la qabqabtay Eid al-Ad-ha wakhtigaas oo ciidamada amniga ee Iran ay qabteen 31-kii Agoosto kumanaan dad ah oo u dhaqdhaqaaqa iyo muwaadiniinta Carabta ah ee Ahwaz si looga hortago in la sameeyo xafladaha iyo dabaaldegyada Ciidul Adxa  Gobolka Carabta sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Ahwazi.

Sida ay hay’addu sheegtay mas’uuliyiinta Iran ayaa xidhxidhay daraasiin ka mid ah muwaadiniinta carabta oo qabta Ciid kasta Banaanbax  inta lagu jiro munaasabada taas oo ay ku dalbadaan in ay helaan xuquuqda qaran iyo hadalo lagu dhaleecaynayo takoorka iyo cadaadiska ay ku qaabaan maamulka Ahwazi Carabta.

Warqabadka ToggaHeer

Advertisement

Ku Xayeysiiso