Gacantiisa midig waxa ay ku laaban tahay makarafoonka, tiisa bidixna farta murdisada ayaa u fiiqan, waxa aanay welhanaysaa hawada iyada oo ay illaa laabtiisu la gariirayso marka uu gacanta welhinayo, wajigiisuna waa uu ururusan yahay iyaga oo ay indhihiisuna dibadda yaallaan, waxa ayna ku siganayaan in ay soo baxaan. Dadka ku xeerani awood uma laha in ay is maqlaan, waayo codkiisa dheer ayaa dhegihii wax kale maqli lahaaba xoogay, taladuna waa in isaga uun la amaahiyo dhegihii awalba u jujuubnaa dhegaysigiisa ama masaafo dheer laga fogaado deegaanka ku xeeran si ay dadku uga soo dhalaalaan hawlahooga tirada badan ee kaga xidhan maqalka uu wadaadkii wajigiisu kabta ahaa ka mashquuliyey. Aad ayuu u xiiqsan yahay haatan, codkii wadaadkuna waxa uu ku dhaw yahay in uu iskii u damo, waxaana uu naftiisa ku qanciyey in uu dadka u sheegay wax wanaagsan, taasna waxa caddayn kara aayadaha uu daliishanayo oo ay ka mid tahay aayadda tidhaahda: “Waxa aad tihiin ummaddii ugu khayrka badnayd ee la soo saaray, waxa aad is fartaan samaha waxa aanad iska reebtaan xumaha” iyo aayado kale oo la halmaala. Mawuuca uu goorahanba maqalka ku mashquuliyey waxa ciwaan u ahaa erayo uu ka soo dheegtay afka Carbeed oo macnahoogu ahaa “Ku dayashada indh la’aanta ah”, nuxurkeeguna waxa uu ahaa in aan lagu dayan Reer Galbeedka ee lagu daydo Islaamka. Waxa uu aad u dhalleeceeyey dhallinyarta ka daba dhacday ciyaartoyda ee isku ekaysiisa isaga oo mararka qaar u daliishanaya axaadiis uu diinta kaga caydhin gaadhayo, waxaana uu soo qaatay dhowr ciyaartoy oo uu magacooga si wanaagsan ugu dhawaaqay, waxaaban uga shakiyey in uu uurka ka jecel yahay, inkasta oo uu fagaarahaas nacayb uga muujistay. Inkasta oo wadaadka laftiisuba aanu ka madhnayn ku dayashadaas indhaha la’ oo ay isagaba Carabnimada iyo Islaamnimadu iskaga qasnayd, haddana caaddifad mooyee caqli kuma uu hadal, dadkana lama uu wadaagin su’aalo badan oo ay ahayd in uu ka jawaabo.
Ma yara, waanan ku dhego-barjoobay hadalladaas caaddifadaysan ee aad mooddo uun in ay ku baraarugeen kaliya maalintii ay dhallinyartu Reer Galbeedka isku ekaysiisay, oo aanay ka war-qabin wixii ka horreeyey isku ekaysiinta iyo wixii ka dambeeyayba. In ay dhallinyartu ummado kale isku ekaysiisaa waa natiijo, sida aynu wada og nahayna natiijada waxa jira wax ka horreeya oo midhaheega bisleeya, iskamana timaaddo natiijadu haddanay sababi jirin. Wadaaddadu waxa ay ku mashquuleen natiijadii balse marnaba isma ay weydiin waxa keenay in Reer Galbeed la isku ekaysiiyo, taasna waxa caddayn u ah in aanay marnaba khudbahooga ku xusin sababta keentay ee ay ku mashquulaan uun isku-ekaysiintan oo ah natiijadii. Su’aalaha uu wadaadkaasi il-duufay waxa ka mid ah; Maxaa keenay isku ekaysiintan? Sidee ayey ilmo yar oo gurigii hooyadii jooga ugu dhalatay in uu caashaqo ciyaartoy Yurub jooga, kadibna uu isku ekaysiiyo? Maxay ubadkeennu Islaamka ugu dayan waayeen? Iyo su’aalo kale oo tiro badan. Si guud ayaan halkan ugaga jawaabi doonaa su’aalahas iyo kuwa kaleba.
Dagaalkii labaad ee caddaanku (La innaga dhaadhiciyey dagaalkii 2aad ee dunida), waxa uu ahaa dagaal wax weyn ka beddalay qaab kasta oo ay dunida ahayd ka hor intii aanu dhicin, dawladihii ku guulaystay dagaalkaas bilaash ma ay noqon guushoodu, waxa aanay samaysteen nidaam ka sooci kara dowladaha kale ee caalamka, laguna garan karo in ay yihiin dowlado xoog badan oo aan la liicin karin. Waxa ay caalamka oo dhan ku khasbeen in wixii ay iyagu ogol yihiin uun uu sax yahay, wixii aanay ogolaynna uu khalad yahay, maxaa wacay waa dowlado awood badan, kaynta dunidana waxa ka taliya uun hadba ninkii ugu awoodda badan. Waxa ay samaysteen wax ay ku sheegeen Qaramada Midoobay, balse si dedban ay caalamka ugu gumeeyaan, caddaalad-darrana waxa kuugu filan in wixii ay isku raacaan 197-ka dal ee dunida ka jira ay hal dowladi ku hor istaagi karto codka qeexan ee Vito Power-ka loo yaqaanno. Yeelkeede, laba nin oo ragannimo shidaysaa dunidan kuma heshiiyaane, waxa uu mar kale loollan adagi oo saldhiggiisu yahay kala bursiga awooddu uu dib uga dhex qarxay isla dowladihii ku wada guulaystay dagaalkaas, waxaana bilowday wax la yidhaahdo dagaalkii qaboobaa oo ay ku loollamayeen laba dhinac oo kala ahaa NATO iyo WAARSO. Si kastaba ha noqotee, ugu dambayntiina sannadkii 1989-kii waxa awood badnaatay gaashaan-buurta dulmiga ee NATO, waxaana afka ciidda loo daray WAARSO, halkaas oo ay dunidu ku noqotay mid u xidhan koox kaliya oo NATO la yidhaahdo, waana halka ay ka bilaabmatay badanka aafada dunida illaa maanta ka taagani.
Maadaama oo aanay NATO cidna ka baqayn oo ay dunidii ugu awood badnaatay, Ilaahayna garanayn waxa ay si walba ugu takri-fashay dunida, waxa ay cagta marisay cid walba oo ka soo hor-jeedda, waxaana ay dowladihii kale u tartameen ka ag dhawaanasheheega, illaa iyo uu ugu dambayntii madaxweynihii Maraykanku ku khudbadeeyey “Caalamka ama annaga ha na soo raaco ama ha naga soo hor jeedsado”, khudbaddaasina waxa ay dunida kala doorransiisay in NATO la raaco iyo in laga soo hor jeedsado, waxaana ay meesha ka saartay doorashadii saddexaad ee dhexdhexaadnimada ahayd!
NATO waxa ay la wareegtay warbaahintii caalamka, dhaqaalihii caalamka, awooddii caalamka, aqoontii caalamka iyo wax walba oo banii-aadam uu ka tamarin lahaaba. Kadib waxa ay awood u yeesheen in ay qaabeeyaan habka ay u fikirayaan dadka dunida ku nool iyaga oo u soo dhex maraya warbaahinta tirada badan, illaa iyo dadku ay wax u arkeen sidii ay NATO wax u arkaysay, oo ay sharci ka dhigteen wixii ay NATO u yeedhisay, iskaba dhaafoo waxa ay necbaadeen wixii ay NATO necbayd, waxa aanay jeclaadeen wixii ay NATO jeclayd, taasi oo shaki la’aan caddayn u ah in ay NATO si buuxda ay gacanta ugu dhigeen guud ahaan qaab-fikirkii, qaab-dhismeedkeedkii, anshixii iyo qiyamkii ay bulshooyinka caalamku lahaayeen, waxaana mar walba loogu sarraysiiyaa hadba qiyamka iyo anshaxa ay go’aamiyaan baarlamaanka NATO. Waxa dunidii loo sameeyey xiddigo iyo tusaaleyaal (Role Models) lagu daydo marka laga hadlayo dhinac walba oo nolosha ah sida aqoonta, dedaalka, caqli-badnaanta, ciyaaraha, dagaallada, guulaha iwm, iyaga oo dhammaantood laga dhigay qaar ku noolaa waddamada NATO, illaa iyo ugu dambayntii wax wal oo wanaagsanba looga qiyaas qaatay habka ay NATO wax u qiimayso, wax wal oo xunna sidaas si la mid ah laga yeelay.
Ilmaha yar ee intaas oo weerar ku socdaan, indhahana ku kala qaaday duni dhinac walba ay kaga xidhan tahay warbaahintii maskax-maydhka (brain washing) ee NATO, maskaxdiisana inta uu hurdo mooyaane inta kale ay wax ku daabacaan warbaahintaas bilaa anshaxa ah ee NATO maamushaa, dhinaca kalena ay bannaan madhan tahay oo aan haysan cid u buuxisa kaalintii ay qiyamkiisa ka dhisi lahayd warbaahin Islaami ah oo la tartanta warbaahinta Reer Galbeedku, la yaab ma leh in uu ku daydo kuwaas, balse waxa la yaab leh ummadda dhan ee hurudda ee ogolaaday in guriyahooga ay warbaahinta Reer Galbeed ku dhex tarbiyayso carruurtooda! Reer Galbeed ayaa inoo tarbiyeeya carruurteenna iyaga oo aan guriyaha ka bixin, wadaadkaas laftiisa haddii aynu gurigiisa ku noqonno, waxa ay u badan tahay in laga soo helo TV dhex yaalla, taasna ay noqoyso laba mid uun; in aanu fahmin macnaha uu leeyahay TV-gan uu guriga dhex dhigtay iyo in aanay ka dhab ahayn khudbaddaas uu dadka la hor taagnaa!
Isku ekaysiinta waxa keentay markii ilmo yar oo aan aan caqliyeysan gurigooga loogu keenay TV si walba maskaxdiisa ula falg-galay, dhan kastana ka qaabeeyey, ciyaartoydaasna iskama uu caashaqani waa lagu beeray caashaqooga, ubadkeennuna Islaamka kuma dayanayaan illaa iyo la helo cid u buuxisa kaalintaas bannaan oo qiyamkii iyo asluubtii uu Islaamku lahaa mar walba tusta, lana tartanta warbaahintaas habaarka qabta ee ay NATO dirawaliso.
Qore: Maxamed Sharma’arke