Booqashada Boqorka Sucuudiga : Hudheelada Qaaliga ah  ee u dhow Kremlin ayaa loo Xidhay dhamaantood +Waftigiisu waa 1000 Ruux Habeenkiina Qolku waa $ 2,400!!!

Illo ku dhaw hoteelada ayaa shaaca ka qaaday in Waftiga  Salman bin Abdul Aziz ay geli doonaan inta lagu jiro booqashada Moscow Hotelada Five Star ka ah ee ku dhow Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee  Kremlin.

Sida laga soo xigtay illo ku dhow agaasimaha booqashooyinka alaabta qolalka Hotel-ada qaarkood wax laga bedelayo si ay munaasib ugu noqdaan xubnaha sare ee wafdiga, roogaga ayaa looga keeni doonaa Sucuudiga.

Waxa la dhamaystiray Hotelada dhamaan  ku dhow  Kremlin mana jirto boosas ka banaanHotelada Five Star ka ah Maamulka hudheelada ayaa sheegay in taariikhda ugu horreysa ee la heli karo ay tahay 6-da Oktoobar.

Wafdiga Sucuudiga la socoda Boqorka Sucuudiga ayaa ka kooban ilaa 1,000 qof  kuwaas oo intooda badan ay degi doonaan  hudheelada ku dhow aqalka  Kremlin ee qiimahoodi Qaaliga yahay.

Qiimaha Qolka ayaa ah  $ 720 habeenkii  halka qolka Manningaya Square ee u dhaw Kremlin qiimihiisu yahay $ 1030  Halka qolalka eegaya Kremlin uu yahay $ 2,400 habeenkii.

Hoteelada ayaa lagu qasbay in la tirtirto wax badan inta lagu jiro booqashada wafdiga Sacuudiga, sida xafladaha  gaarka ah iyo aroosyada cuntooyinka Hilibka Doofaarka sidoo kale Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay hoteelada waxa qudha oo geli kara Dadka sita Kaadhadhka Martida.

Warqabadka ToggaHerer

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso