Daawo : “Waxaynu Caleemmo saaraynaa runta, beentana weynu qaawinaynaa ” Ex-Wasiir Cismaan Sh. Cabdi

Siyaasi Cismaan Sheekh Cabdi oo ka mid ahaa Golihiii wasiirrada ee xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shaaciyey in qiimayn iyo daraasad uu sameeyey uu kaga soo baxay xisbiga WADDANI oo uu ka tirsanaa, isla markaana uu garwaaqsaday inay KULMIYE majaraha u hayaan hoggaamiyeyaal mudan in la taageeraa, waxaannu yidhi, “Xisbiga WADDANI cidi lacag igamay siinin oo igamay soo saarin, anigaana go’aansaday oo duruufo badan baa naga soo maray, marka labada xisbi laga tagona laba hoggaamiye ayaa la kala dooranayaa, inaguna waxa aynu u baahanay hoggaan ku dhac leh oo ka fikira dalka aayihiisa iyo mustaqbalkiisa, waanan u shaqaynayaa KULMIYE oo aqoontayda, waayo-aragnimadayda iyo taladaydaba waan gelinayaa.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso