Si Kedis ah Canada oo Qabatay Ninka u Khatarta Badan ee Ay Raadinayeen Maraykanku!!!

Sikanta ayaa ka mid ah 10-ka u Khatarsan ee Loogu Doon Doonis Badan yahay  Maraykanka.

Mid ka mid ah 10-ka u sareeya ee ugu doon dnoonista badan dalka Maraykanka ayaa si kadis ah loogu qabtay  Canada intii uu socoday baadhitaan ay sameeyeen laba boolis ah magaalada Montreal sidaana waxa sheegay Booliska Canada.

Laba askari oo bilays ah ayaa arkay laba nin oo haysta mukhaadaraad laakiin mid ka mid ah ayaa isku dayay inuu baxsado waxaana baacsaday Askari ka dibna qabtay isaga oo ka shakiyey xaqiiqda kaadhka aqoonsiga Maraykanka ee uu tusay.

Ninka La Xidhay ayaa la geeyay saldhig booliis waxaanu fashilmay markii laga qaaday farahiisa iyo far ka go`an gacantiisa midig taas oo ku jirtay xogta dadka la raadinayo.

Katai-khafun Sikanta oo asal ahaan ka soo jeeda Laos ahna 35 sano jir ayaa tan iyo 2005-dii ku jiray liiska 10-ka Qof ee ugu khatarsan ee laga raadinayo Maraykanka loona haysto haysashada mukhaadaraadka iyo tahriibinteeda.

Booliiska Ontario ee Badhatamaha Canada ayaa qudhiisu Raadinayay Ninkan una dooneysay isla eedahaas.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso