Bangladesh: Islaamiyiinta oo ku baaqay in la Hubeeyo qaxootiga Rohingya

Kumanaan ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan Bangladesh ayaa ka qeyb galay Banaanbaxyo ka dhacay magaalada xeebta ee Chittagong iyaga oo ugu baaqay xukuumaddooda in ay hubeeyaan qaxootiga Rohingya ee ka cararaya xakamaynta maamulka Myanmar ee gobolka Rakhine.

Banaan Baxan ayaa waxa ka qayb qaatay dad lagu qiyaasay ilaa 15,000 oo qof kaas oo ay abaabuleen kooxda “Islamic Keepers”  magaalada  labaad ee ugu weyn Bangladesh, sida ay booliisku sheegay Jimcihii.

“Waxaan ku baaqnay in la joojiyo xasuuqa Rohingya,” ayuu yidhi Aziz al-Haq Islamabadi oo u waramay AFP.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqay xukuumadda in ay tababarto oo ay hubayso Rohingyas si ay u xoreeyaan dhulkooda,” ayuu yidhi.

Magaalada Chittagong ee Bangladesh waxay wadaagaan xidhiidho badan oo dhaqameed, diineed iyo luqadeed  Rohingya.

 

In kabadan Nus milyan  ruux Rohingya ayaa u qaxay Bangladesh tan iyo dhammaadkii Agoosto.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso