Daawo Ilbidhiqisigii Qarax telefoon Ugu Jira Ruuxii Lahaa Jeebka Sare!!!!

Nin Ku sita mobile Jeebkiisa Sare ayuu Ku Qarxay, Mobileka ayaa ahaa mid ay samaysay Shirkadda Samsung ilbidhisqii qaraxa ayaa waxa duubay Camerada ilaalada ee Lagu Xidho wadooyinka.

Kanaalka  News Asia  ayaa sheegay in dhacdadani ay dhacday saddexdii bishii oktoobar ee la soo dhaafay nooca Telefankuna ahaa “Samsung Grand Dos” oo la sameeyey 2013.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Hotel Siputra Semarang ee Indonesia waxaana duubtay kamaradda ilaalinta, taas oo la arkayay xilligii qaraxu ka dhacay jeebka ninka oo isku dayey inuu iska siibo Shaadhka ka hor inta nin kale u tagin si uu caawiyo loogana saaro shaadhka gubanaya.

Ninkaan oo ku dhaawacmay shilka ayaa wajiga dhaawac yari ka soo gaadhay oo gubasho ah sida bilayska maxalliga ahi sheegay, sababta qaraxu wuxuu ahaa in ninkaasi isticmaalay GPS, Bluetooth iyo Wi-Fi isla mar ahaantiis taasoo keentay in telefoonku kululaado uuna qarxo.

Sida laga soo xigtay CNET Samsung waxay baadhitaan ku samaysay dhacdada iyada oo lagu soo gabagabeeyay in ninka u dhashay Indonesia uu isticmaalay baytari aan asal ahayn telefoonkiisa kaas oo dhaliyey qaraxyadii markii taleefanka loo isticmaalay isticmaalka baahsan. Shirkadda ayaa telefoonka u bedeshay qofkii dhaawacmay.

Warabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso