Faransiiska : 10 sano oo Xabsi ah oo lagu Xukumay Haweenay ku dhiirrigelisay wiilkeeda inuu ka barbar Dagaalamo Kooxda Daacish

Haweeney Faransiis ah ayaa Jimcihii lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah,  haweenaydan oo Faransiis ah ayaa saddex jeer u safartay Suuriya si ay u taageerto wiilkeeda oo ka tirsan dagaalyahanka ururka Daacish waxaana lagu eedeeyey inay ka qaybgashay qorshe argagixiso.

Christine Riviard oo 51 jir ah ayaa lagu soo oogay inay ku doonaysay inay ku biirto dhaqdhaqaaqa xagjirnimada waxayna caawisay haweenka dhallinyarada ah inay u safraan Suuriya si ay ugu hesho wiilkeeda  Tyler Philos xaas.

Xukunka ka dhanka ah haweenaydan Faransiisku waa xukunka ugu badan ee suurtogalka ah ee kiiska.

Wiilkeeda Philos oo 27 jir ah ayaa u safray Suuriya si uu uga barbar dagaallamo ururka Daacish. Hooyadiisa oo loogu yeedho “hooyada jihaadka” dhinaca saxaafadda Faransiiska ayaa booqasho ku tagtay Suuriya saddex jeer sannadka 2013 iyo 2014.

Riviere ayaa ka sheegtay maxkamadda inay soo booqatay isaga sababta oo ah waxay ka cabsanaysay inuusan ku laaban doonin dalkiisa.

“Hooyo Jihad” ayaa la xidhay bishii July 2014-kii iyada oo ay isku diyaarinaysay inay booqasho ku tagto wiilkeeda halka wiilka la xidhay sannad ka dib Turkiga oo u soo masaafuriyay Faransiiska.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso