Haweenaydii u Horeysay ee Gaadhi Wadata Dalka Sucuudi Careebiya oo Geeriyootay Shil.

Haweeneyadii u horeysay ee Sacuudi ah ayaa ku dhimatay Shil Gaadhi oo ka dhacay Jeddah sida ay warisay saxaafada Sacuudiga.

Wargeyska Al-Watan ayaa soo wariyay in magaalada Jeddah Arbacadii ay diiwaan galiyeen geeridii ugu horreysay ee haweeney Boqortooyada ah iyada oo gaadhi wadata ka dib markii ay go’aankii in haweenku ay kaxaysan karaan gawaadhida.

Wargeyska ayaa tilmaamay in gabadha ay baabuurkeeda ku waday xaafadda Ajwad oo ay la socdeen ninkeeda taasoo gaadhiga ay ku dhuftey Sabad adag taasoo keentay inay dhaawacnto se dhaawaca soo gaadhay ay mar dambe u geeriyootay .

Bishii Sebtembar 2017, Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdul Aziz ayaa soo saaray amar u siinaya haweenka in ay gawaadhida kaxayn karaan.

Waxaa xusid mudan in Saudi Arabia ay ahayd waddanka kaliya ee adduunka aan  haweenka u ogolayn kaxaynta gawaadhida .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso