Gudaha Ka Eeg : Shil Sababay Dhimashada Sadde-Ruux Iyo Dhaawaca Saddex-Kale Ayaa Caawa Ka Dhacay Isgoyska Xaafadda Sabaxareed Ee Hargaysa .

Waxaa caawa Musiibo Shil Baabuur ahi ay ka Dhacdey isgoyska Saba-xareed Ee Degmada Maxamuud Haybe Ee Hargaysa, Ka dib markii Gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaan Toyota Indhacadde uu ku dhacay sabbadd ku taallay isgoyska sabaxareed .
Gaadhigan ayaa waxaa saarnaa Lix-ruux, oo mid ka mid ahi ay ahayd ruux dumar ah, waxaana wararka hordhaca ahi sheegayaan in saddex ruux ay geeriyoodeen halkii saddexdii kale ay xaaladoodu culustahay.
Dadkan ayaa wali aan la aqoonsan haybtooda, balse waxay ahaayeen dhamaantood dhalinyaro .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso