6 farood oo gacmaha ah Iyo 6 farood oo lugaha ah Oo Qoys ka dhigtay Mid Caan ah Sumcad Na Leh!!!! Sawiro:

Qoys reer Brazil ayaa soo dhaweeyay ilmo cusub oo leh Hide reerkoodu leeyahay taas oo u soo jiiday  caanimo aduunka ah  qoyskan waxay hibo u leeyihiin garaacista Muusiga iyo Gool-hayanimo.

 

Qoyska de Silva ayaa waxay wada leeyihiin Min Lix farood haday tahay gacmaha iyo Lugahaba, taas oo kadhigtay mid caan ah ayna ku faanaan qoyskan ayaa ka kooban 14 Ruux , Alessandro oo ah aabaha mid ka mid ah 14 qof ee  qoyska ka mid ah ayaa sheegay in astaantan ama calaamadahan aanay lahayn qoysas kale taas ayaana naga dhigtay mid caan ah.

Alessandro wuxuu ku dhashay  6 farood halka xaaskiisa Katia ay leedahay 5  keliya taasoo la micno ah inay jirto 50% fursad ah in ilmahiisa dhaxlo 6 farood.

 


“Waxaan ogaanay in Venecius uu yahay wiil  todobaadkii seddaxaad ee uurka, tan iyo markaasna waxaan rajeyneynaa inuu leeyahay lix farood,” tan iyo markii uu dhashay Venecius, waxaan ogaanay in farahiisa ay si fiican u shaqeynayaan, dhammaantood si fiican ayay wax uga qabteen mar kasta oo uu doonayo inuu isticmaalo. ”

Calaamadaha hidda-keena ee keena dhalashada faraha qaarkood waxaa loo yaqaan “polydactyly” , Taasoo dhacda hal mar inta u dhaxaysa kunkii dhalashada.


“Waxaa jira isbeddello kala duwan oo keena xaaladdan haddii aabbaha ama hooyadu leedahay faro dheeri ah, fursada carruurta ee helitaanka waxay noqonaysaa ilaa boqolkiiba 50,” Dr. Littis ayaa sidaas yidhi.

Qoyska de Silva oo loo yaqaan ‘Six Family,’ ayaa aaminsan in faraha dheeraadka ah ay tahay hadiyad ee aanay ahayn carqalad taas oo ka dhigtay muusikaystayaal waaweyn iyo goolhayeyaal wanaagsan.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso