Hargeysa (ToggaHerer ):-Saraakiisha sar sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa ay saaka madaarka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ay si diiran ugu soo dhaweyeen masuulyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo ka mid dalalka qaarada Yurub .
Masuulyiintan ayaa waxaa ay kala yahiin Jamac Saleeban Cabdi Macuun Xidhiidhiyaha bariga Africa ee xisbiga Waddani iyo Mustafe Haruun Cabdilaahi Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee magaalada Brigham , waxana ay dalka u yimadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahayeen olalaha xisbiga Waddani iyo doorashooyinka dhawaan dalka ka dhici doona