Ciqaab Deldelaad  Ruux Ku Eedeysanaa inuu aflagaado u geystay Nabi Muxamed Calayhi Salaam Dalka Iran oo La Buriyey!! 

Xukuumada Iran ayaa Talaadadii ka noqotay xukun dil ah oo lagu soo oogay eedaysane lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay Nabi Muxammad Calayhi Salaam Barta Facebook ga.

Iran ayaa Suhail Carabi ku Riday Xukun Deldelaad ah  bishii August 2014.

“Carabi oo sidoo kale lagu eedeeyey dambi in uu ka galay saraakiisha dawladda iyo kor u qaadista dacaayad ka dhan ah xukuumadda lagu fulin doona xabsi ah” ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud eJafar Dulat-Abadi isaga oo aan sheegin mudada xukunka.

 

Ciqaabta Deldelaada ee Carabi waxay dhalisay naqdin ka timid dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Human Rights Watch ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta Iran in ay “Joojiyaan ciqaabta dilka” ee ka dhanka ah Carabi.

 

Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ayaa kaalinta labaad kaga jirta  ciqaabta dilka sanadii 2016 halka Shiinuhu ahaa Kaalinta Koowaad.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso