Laba todobaad ka dib markii Ruushku ku dhawaaqay inuu dhaawacay Abu Mohammed al-Julani hogaamiyaha Ururka Xoreynta Siiriya gaadhsiiyeyna Dhaawac Culus ayaa Ururkiisu soo bandhigay Cajal fiidiyoow oo muujinaya hoggaamiyahooda oo caafimaad qaba.
Fiidyawga ayaa soo bandhigaya Julani oo la hadlaya qaar ka mid ah ragiisa isagoo u jeedinaya khudbado koox dagaalyahanno ah ka hor inta aanay qabsan tuulooyinka Mushirfa iyo Abu Dali oo ku yaala Duleedka Hama Badhtamaha Suuriya toddobaadkii hore waxayna ku nuuxnuuxsadeen sii wadidda hawlgaladooda millatariga.
Waxa uu yidhi: “Doorashadooda Xalka milatari waa Bud-dhiga Ururkooda Taxriiru Shaam in aan Joojino Doorashadayda millatari kuma riyoon doonaan Cadawgayagu.”
Wasaaradda gaashaandhiga Ruushka ayaa hore u sheegatay howlgal gaar ah oo ay qaadeen ciidamada cirka ee Ruushka ee Suuriya ay keentay dilka 62 ruux oo ka yimid Ururka Xoreynta Shaamayna ku dhaawaceen hoggaamiyaha Julani ..
Warqabadka ToggaHerer