Muqdisho, 21 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa gaaray xarunta tababarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan diyaar garow iyo ambabax ku aaddan dagaal ka dhan ah argagixisada Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ay ku jiraan ciidamadu waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan si ay u ciil tiraan umadda Soomaaliyeed ee la gumaaday, gaar ahaan qoysaskii lagu dhibaateeyey qaraxii Soobe. “Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan iyo markii uu ku dhawaaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. |