Gorfeynta Dooddii Murrashaxiinta Madaxweynaha Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland
Q/ 2-aad
Doodii Guddoomiye-yaasha ahna Murrashaxiinta Xisbiyada Siyaasadda ugu tartamaya jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ay guushoodu ku xidhan tahay helitaanka codka ugu badan ee dadweynaha si ay ugu gaadhaan hoggaaminta xukunka dowladda, taasoo ku timaada dhinaca habka kala xulashada garaadka dadweynaha.
Waxa loo qaabeeyey hab-doodeed, wada hadal iyo su’aal toos ah lagu weydiinayo, ay kaga jawaabayeen kulan dadweyne, waxa kale oo ay ku soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasaddeed, mabaadiida iyo fikiradaha ay ku kala arragti duwanaayeen murrasharaxiinta saddexda xisbi qaran ugu tartamaya inay ku guuleystaan jagada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa aynu halka ku falan qeyn doonaa innagoo dul joogsan doona su’aal kasta oo la weydiiyey iyo jawaabaha ay ka bixiyeen saddexda murrashax.
Inta aynaan u gudda galin jawaabaha ay ka bixiyeen waxa aynu halkan ku iftiimin doonaa cabbirka hagaha ugu fiican ee lagu qiimeeyo wakhtigan kala xusho Hoggaamiyaha wanaagsan ee aynu dooneyno sifaha uu leeyahay, isla markaana, aynu ku qiimeyno jawaabaha ay ka bixiyeen su’aashii ugu horeysa ee la weydiiyey murrashaxiinta saddexda xisbi siyaasaddeed ee UCID, WADANI iyo KULMIYE, innagoo qaadanayna cabbir qiyaaseedkan sifaha aynu ku dooraneyno ee hoos ku qoran.
-Ma yahay mid ku hanweyn inuu dadkiisa ugaga tago dhaxal.
-Ma lagu sifeyn karaa inuu leeyahay arragti-fog, hiigsi iyo himmilo mustaqbal.
-Ma yahay mid aan eex lahayn, isla markaana loo arko inuu si siman dadkiisa u wada-daweyn karro.
-Ma yahay mid fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsikarra, raadiyana waxa khaldan si uu u saxo.
-Ma yahay mid ku kalsoon wax kasta oo uu qabanayo, maskax ahaan, jidh ahaan iyo niyad ahaanba.
-Ma leeyahay dhiirigelin.
-Ma yahay mid sameyn kara dhawaaq amar leh oo go’aan qaadasho fiican xilliga ay ku haboon tahay.
-Ma sababeyn karaa tallaabo kasta oo uu qaadayo.
– Ma yahay mid wakhtiga ku haboon wax-ka-beddeli kara malihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee lagu xaliyo dhibaatooyinka iyo inuu yahay mid daacad ah.
Waxa aynu sidaas ku qiimeyn doonaa jawaabaha murrashaxiinta saddexda xisbi siyaasadeed , waana sidan.
Su’aasha Labaad (2) : Mudane, Gudoomiye ama Musharaxa, Amniga wadanku waxa uu ku xidhan yahay tayeynta laamaha amniga, haddii ay noqoto qalabka, dhaqaalaha iyo xirfadda, maxaa kaaga qorsheysan arrimahaasi, haddii aad ku guuleysato jagada madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ?
Jawaab: Waxa uu kaga jawaabay Gudoomiye ama Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muddane, Muuse Biixi Cabdi oo uu yidhi:- Waxa nooga qorsheysan anniga iyo xisbigaygaba si loo hello amni, waxaanu kow ka dhigeynaa, inay dadku caddaalad hellaan, waayo, haddii aad arragto meel amni aanu ka jirin caddaaladaa xun, waxaanu xoojinaynaa hay’daha caddaalada oo wixii ay u baahan yihiinba aanu u hureynaa, si uu qofku u aamino haddii laga gardarnaadey inuu hellay caddaalad.
Amniga guduhu si uu u hagaago waxaanu ka jawaabi doonaa tabashooyinka ay goboladu dhexdooda kala tabanayaan si qofkastaaba u aamino in qadiyada Somaliland loo mideysan yahay, qofkastaana uu hellayo xuquuqdii iyo waajibaadkii uu lahaa.
Waxaanu ku barbarin doonaa oo tacliinta dugsiyada wax-barashada soo marin doonaa da’yarta, muwaadinnimada, wax wada lahaanshaha, isku dulqaadashada, markaanu dadka maskaxdooda u jeedino inay amniga illaashadaan oo ay is aaminaan.
Isla markaana, waxaanu gaar u wadeynaa tayeynta ciidamada amniga guddaha, ciidamada war-doonka iyo dhamaan hay’adaha la xidhiidha wixii amni ku saabsan, iyadoo loo furaayo tababar, daryeelka iyaga iyo xaasaskooda in la siiyo gunno, gaadiidkooda iyo wixii qalab ay u baahdaan, waxaanu tixgalin doonaa dadka ciidamada ka shaqeeya ee hal-abuurka leh qorshayaasha ay gaadhaan, waxaanu u xulli doonaa dadka aqoonta sarre leh, waayoarragnimo u leh suggida amniga dalka gudihiisa.
Waxa naga balan ah in qofkasta oo Somaland ahi hantidiisa, maalkiisa iyo sharafkiisa amaan ku hello ayey himiladayadu ay tahay, waxa kale oo aanu awooda saari doonaa in qofkasta oo Somaland ahi uu hello daryeel naf, maal iyo caddaalad uu qaranka ku aamino, ee aanu Reer iyo cid kale aanu ku aaminin, taasaanaa annagu noo go’aan ah, waxaan ku soo gabogabeynayaa amnigu waa laf-dhabarta qaranka.
Jawaab: Gudoomiyaha ahna Murrashaxa Xisbiga WADANI , Muddane, Cabdiraxmaan Cirro, Isla su’aasha waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi: – Waxaanu rumeysanahay in amniga qaranku ku hurdo ciidamada qaranka ee kala duwan, laakiin waxa ka muuqda ciidamada iyaga iyo qoysaskoodaba dayactir la’aan fara-badan, waxaanu u kordhin doonaa mushaharka boqolkiiba koton 50%, waxaanu xoojin doonaa xuduudaha Somaliland iyadoo la tayey doono Ciidanka Qaranka, Ciidanka Amniga Jamhuuriyadda Somaliland.
Si loo xoojiyo amniga guddaha waxaanu sameyn doonaa ciidanka amniga bulshada, waxaanu xoojin sirdoonka Qaranka si loo ogaado mushaakilka lala damacsan yahay Somaliland, waxa kale oo ciidanka u dhisi doonaa guryo ay ku noolaadaan iyaga iyo qoysaskooduba, waxaanu sameyn doonaa xafiiska xaqsiinta oo maanta aynu arragno haddii ay dhintaan ama ay gaboobaan midnaba aanay wax ku lahayn, aad iyo aadbaanu ugu dadaali doonaa ciidanka amniga qaranka si loo sugo, waxaanu u balan qaadaynaa shacabka inay ku seexan doonaan nabad guryahooda, waxaanu ciidamadda u balan qaadaynaa daryeelka ay maanta haystaan mid ka fiican ay helli doonaan, si ay dadkooda iyo dalkooda ugu adeegaan.
Jawaab: Murrashaxa Xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe Isla su’aasha waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi: – Sida barnaamijka xisbigayga ah, marka hore sharci banu sameyneynaa, sharcigii dadka illaalin lahaa, ka dibna, waxaanu sameynaynaa sharcigaas hawlihii shaqo ee lagu fulin lahaa, hay’adihii amniga, war-doonka, qofkasta oo ka mid ah ciidamada amnigu waa inuu ahaadaa qof aqoon leh, marka ku xigana waxaanu siin doonaa daryeel ku filan, mushahar ku filan iyo guri ku filan, shaqo dheeraad ah, haddii uu qabtaana in aanu gunno siinaanu doonneynaa.
Waxaanu doonneynaa in aanay war-doonku dadka soo basaasine cadowgeena khatartiisa soo baadhaan baanu doonneynaa, waxaanu dadka ku abuuraynaa innay muwaadiniin ay noqdaan oo ay ciidamada amniga la saaxiibaan, waxaan sameynayaa ciidan la saaxiiba dadweynaha oo gacan siiya, waxaanu jecelnahay in aanu kala danbeynta adkeyno, jaamacado, tababaro siino, waxaanu doonneynaa in ciidanku dadka aanay xidhin ee ay caawiyaan, ka indhaha’la ay wadada ka talaabiyaan iyo caruurta.
Waxaanu doonneynaa in aanu amniga illaalino cida soo galaysa wadanka oo aanay noqonin koosarad timira oo qofkastaaba soo galo, oo aanu adkeyno qaybta socdaalka si loo ogaado halka uu ka socdo iyo halka uu u socdo.
La soco …………………………………………….
Maxamed Faarax Qoti