Maraykanka ayaa u diiday Dalkeeda inuu soo galo madaxa ciidamada Indonesia iyo xaaskiisa.

Indonesia ayaa weydiisatay sharaxaad dheeraad ah dawladda Maraykanka ka dib markii Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Indonsiya loo diiday in ay galaan dhulkooda.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Indonesia ayaa sheegay in General Gatut Normatio iyo xaaskiisa ay u diideen inuu diyaarad ka raaco Jakarta sida ay tilmaameen Macluumaad ka soo baxay masuuliyiinta Mareykanka.

Taliyaha ciidamada xoogga Indonesia ayaa u socdaalayay Washington kadib markii ay martiqaad ka heley ciidamada Mareykanka si ay uga qayb galo shir looga hortagayo xagjirnimada.

Maraykanku weli wali kama jawaabin Dalabka Indonesia.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso