Beesha Makaahiil Isaaq Oo Taageero Iyo Maamuus Ay Ku Sharfayaan Murashax Muuse Biixi U U Sameeyey

Hargeysa(ToggaHerer)Xaflad Si heersaraa loo soo agaasimay oo beesha makaahiil Isaaq ay ku maamuusayeen kuna tusayeen cududu taagerad aay u hayaan xisbiga KULMIYE ayaa ka dhacday hotel green plaza ee hargeysa
waxaana kasoo qayb gallay Murashaxa Madaxwayne Xisbiga KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi Xubno Ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga xildhibaanada ka tirsan labada gole qaran Xubno ka mida golaha wasiirada ugaaska guud ee beesha makaahiil ,haween ,dhalinyara ,cuqaal iyo dad kaloo aa du tiro badan.
ugaaska guud beesha Makahiil Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahin (Jabane)iyo dhamaan dadkii kale ee beesha makaahiil ee halkaasi ka hadlay waxay sheegeen inay xaflad ay daarantahay maamuus iyo dhoolatus ay ku muujinayaan cududa taagerada beesha maakaahiil u hayso xisbiga KULMIYE Iyo murahsaxiisa Md.Muuse Biixi Cabdi Iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Syalici.
Murashaxa Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi Oo Halkaasi Ka Hadlay Una Mahad celiyay Maamuuskan ay beesha Makaahiil U samaysay isagano ku dheeraaday inaanay beeshan aanay hada taageerin ee qayb ka ahayd ba kuwii suura galiyay inuu murashax madaxwayne noqdo “beeshani aniga caawa ima taagerayso waa beeshii suuraglisay inaan murashax Madaxwayne u tar tamo ”

Advertisement

Ku Xayeysiiso