Ururka Culimada Muslimiinta Algeria ayaa cambaareeyey macalinka kubada cagta ee dalkaasi Rabah Madjir isagoo kula hadlay shacabka Luqada Faransiiska isaga iyo tiro ka mid ah caawiyeyaashiisa.
Ururku wuxuu ku sheegay barta Facebook in Madjir uu Faransiis kula hadlay shir jaraa’id ka dib markii uu la wareegay shaqadiisa waxaana is-weydiin leh sababta u doortey luqadi gumeysiga iyada oo dadka uu la hadlay iyo wariyayaashu ay ahaayeen Aljeeriyaan.
Ururka ayaa sharxay in aysan weerarin Madjir laakiin ay siiyeen talo waxayna uu rajeeyeen in uu qaato sida uu wargeyska Alshuruuq sheegay.
Tababaraha kubada cagta Aljeeriya Madjer ayaa tababarka rasmiga ah ee xulka qaranka la qaatay Khamiistii isagoo bedelay Lucas Alcárz oo Isbaanish ahaa.
Warqabadka ToggaHerer