Ciraaq iyo Iiran oo ka jawaabay dalabkii ka soo yeedhay Xukuumada Maraykanka ee ahaa in ay ka baxaan maleeshiyaadka Iran Wadanka Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq Haidar al-Abadi ayaa jawaab ka bixiyey Hadalkii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson uu ku sheegay uguna yeedhay maleeshiyaadka Iran in ay ka baxaan Ciraaq.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qofna uusan xaq u lahayn in uu faragaliyo arrimaha gudaha ee Ciraaq.

Isna wasiirka arrimaha dibadda Iran Javad Zarif ayaa sheegay in Haddii Shiicada Iran iyo Ciraaq aanay Naftooda u hurin in ay maanta Xukumi lahayd Dawlada Islaamiga ahi Baqdaad iyo Damascus.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso