Erey uu Si Qalad Ah u Turjumey Mishiinka Turjumaadu oo Sababay in La Xidho Ruux Dhalinyaro ah!!

Bilayska Israel ayaa u Fahmay Salaan Subaxeed Inay Tahay Yeedhmo Weerar.

Qalabka Tarjumaadda ee bogga Facebook ayaa keentay in shaqaale dhismaha lagu xidho ereyga “Subax Wanaagsan” oo uu turjmay Si kale.

Bilayska Israel ayaa xidhay nin dhallinyaro ah oo Falastiini ka dib markii erey uu dhigay Bartiisa Facebook-ga ay u turjumeen afka Cibriga Isaga oo Bartiisa Ku Yidhi Subax Wanaagsan Oktoobar 15-keedii.

Ninka ayaa ka shaqeeya dhismaha waxaana muuqda sawirka isaga oo agtiisa taagan tahay Cagaf Gacantiisana ku haysata sigaar iyo Koob shaah .

Bilayska Israel ayaa ereyga u turjumay luqada Cibriga waxaanaa u soo baxay Garaaca.

Bilayska Yuhuudka ayaa Falastiiniyiinta si joogto ah u daba gala waxa ay ku qoraan Baraha bulshada.

Bilayska ayaa sii daayay Ninkan Dhalinayarada ah ka dib baadhitaano iyada oo ay muuqatay Khaladaadka tarjumaadda mashiinka sida xaaladan oo kale ah.

Wargeyska Israel ee “Times of Israel” ayaa ka soo xigatay afhayeenka bilayska Israel in ninka dhallinyarada ah ee la xidhay iyagoo shaki ka galay inuu jiro qorshe weerar la sii daayay ka dib markii qaladka la helay. Wargeyska ayaa soo wariyay in ninka dhallinyarada ah tirtiray Qoraalkii dhacdada kadib.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso