“Hargeysaay Aniga Midbaad Ii Tahay, Caasimadii Dalkaad Ii Tahay, Codkiina Oo Midaysan Baan Doonayaa” Musharax Cabdiraxmaan Ciro 

Musharax Ciro Oo  Taageerayaashiisa Caasimada Ah U Sheegay In Sicir-Bararka Dhaqaale-yahanada Kulmiye U Taag-La’yihiin Aanu U Taag Heli Doonin Hogaamiye Milatari Ahi

 

“Walaalayaal Maanta Ma’ahayn In Kulmiye Cod Idiin Soo Doonto, Waxay Ahayd Inuu Wajiga Maro Ku Duubto Oo Uu Khajilaad La Dhuunto Laakiin Waxay Ogyihiin Inaynu Nahay Mujtamac Hab Qabiil U Dhisan Oo Ilawshiyo Dhow” Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Hargeysa, (ToggaHerer) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Isbadal doonka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa maalintii koowaad ee ololaha doorashada xisbiga Waddani kala qaybgalay boqolaal kun oo qof oo ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo khudbad taariikhi ah u jeediyey shacabka Caasimada ee isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyada Hargeysa oo tiro badni awgeed uu fagaarahaasi qaadi waayey taageerayaasha xisbiga Waddani.

Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa xaalada dalku marayo kaga waramay khudbadiisa waxaanu xusay in dalkani uu u baahan yahay isbadal xukuumad shacab ah oo ka saarta xaalada uu ku sugan yahay, waxaanu Musharaxu khudbadiisa uu ku bilaabay oo uu yidhi “Waxaan idiinka mahadcelinayaa inaad taagan tihiin saacado badan una dulqaadateen inaad cadceeda taagan tihiin. Waxaan doonayaa inaan maanta la hadlo shacbiga caasimada Somaliland, waxaan fariin u dirayaa shacbiga Somaliland aqlabiyada iyo bulsho weynta isbadal doonka ah ee maanta dalka meelkasta banaanada u taagan muujinta dareenkooda.

Waa maalintii sadexaad ee ololaha doorashooyinka madaxtinimada dalka, maanta oo Isniin ah waxay kow u tahay banaan baxyada badbaadada qaranka, waxay kow u tahay shacabka rajo doonka ah, waxay kow u tahay maalmaha inooga hadhay doorashada, waxay kow u tahay dib u soo noolaynta ididiilada dalka, waxay kow u tahay bahweynta isbadal doonka ee xisbiga rajada shacbiga ku midoobay.

Cod dheer waxaan ugu baaqayaa shacbiga Somaliland, waxaan leeyahay maanta waa dharaar aad kala dooranaysaan mustaqbal iyo meel la’aan, waa dharaar aynu hiil u doonayno qaran inawada deeqa, waa dharaar aynu ka hiilin doono qoqobka iyo kala qaybinta codka la idinkaga doono.

Waxaan dib idiin xusuusinayaa balanqaadyadii Kulmiye ee buray xagay ka baxday waxbarashadii bilaashka ahayd sidee maanta yahay adeegyada caafimaadku, dayaca ciidamadu heerka uu gaadhay musuqmaasuqa xadka goostay, ictiraafka rubuc qarniga aad naawilayseen ee iridaha loo laabay, waxaan idin xusuusinayaa sicir bararka iyo aafada maanta socota ee dhaqaale-yahanada Kulmiye u taagla’yihiin inaanu hogaamiye milatari ahina taag iyo tamar midna u haynin.

Waxaan idin xusuusinaya hantida ummadda ee la xaraashay iyo dulaynta loo geystay nidaamka dawladnimo, waxaan ayaan daro ah in baqaha Kulmiye cabsi ku kiday shacbiga doorashada, kuna kalifay kala qaybinta shacbiga. Hargeysaay aniga midbaad ii tahay, caasimadii dalkaad ii tahay, codkiina oo midaysan baan doonayaa. Codkiina ugu hiiliya xisbiga Rajada shacabka ee isbadal doonka Waddani. Walaalayaal bal aynu eegno dhibaatooyinka waaweyn ee ina haysta oo isugu jira kuwo Kulmiye abuuray iyo kuwo hore u jiray oo Kulmiye xalin kari waayey ugana sii daray. Dhibaatooyinkaa oo xalintoodu u baahan tahay sanado badan oo shaqo ah waxay isugu jiraan kuwo caasimada Hargeysa gaar u ah, iyadoo wadanka intiisa kale uu la qabo.

Walaalayaal aniga oo arkaya inaad milic taagan tihiin, hadana milicda waxa ka sii kulul duruufaha gacan ku samayska ah ee dawladdnimada xumaatay ka dhashay ee aynu la noolnahay.

Arinteenu maanta maaha doorasho saddex qof oo la kala dooranayo laakiin waa doorasho la kala dooranayo isbadal iyo in wadanku ku sii jiro xaalada uu ku jiro, waa hiil loo hiilinayo midnimada iyo isku duubnida ummadda guud ahaan oo laga hiilinayo falsafada Kulmiye ee laba gacmood isku dhiib ama qori isku dhiib.

Walaalayaal maanta ma’ahayn in Kulmiye cod idiin soo doonto waxay ahayd inuu wajiga maro ku duubto oo uu khajilaad la dhuunto laakiin waxay ogyihiin inaynu nahay mujtamac hab qabiil u dhisan oo ilawshiyo dhow, waxay isku dayayaan inay indho sarcaad idiin dhigaan oo beenta idiinku soo celceliyaan. Waxa tusaale idiinku filan sidii uu Waddanku ahaa todoba sano ka hor, bal waxaad dib u xasuusataa halka ay joogtay todoba sano ka hor midnimadeenu, halka ay joogtay dawladdnimadeenu, rajadeena ictiraafka iyo maanta halka ay marayso, sicirbararka, Musuqmaasuqa iyo kala qoqobka dadweynuhu.” Ayuu yidhi Musharax Ciro.

Advertisement

Ku Xayeysiiso