Hotelkii Las Vegas oo ku dhawaaqay Masiirka Qolkii uu Dilaagu ka Geystay Xasuuqa.

Hotel ka Mandalay Bay Suite ayaa sheegay in Qolkii uu Stephen Padock ka riday Rasaastii uu dadka ku Xasuuqay ee Las Vegas, Nevada ayaa si rasmi ah loo xidhayaa dibna looga kirayn doonin martida cusub.

Hotelka ayaa sheegay in aysan dooneynin in ay kireeyaan qolka dabaqa 32-aad ka dib markii ay arkeen dhacdooyinkii dhiigga badnaa ee horaantii October.

Hotelka ayaa ku tilmaamay dhacdooyinka Las Vegas oo ay ku dhinteen 58 qof ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale musiibo aad u ba’an waxayna ku tilmaameen Ninkii falka geystay Sharwade.

Maxkamad Maraykan ah ayaa horay amar ku siisay maamulka hudheelka inay si ku meel gaadh ah u xidhaan qolka una ilaaliyaan wax walba oo la xidhiidha “dilaaga”.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso