Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay in Kulmiye uu soo sharaxay Musharax bulshada kala Qaybiya oo Hantida Ummadda Haysta


“Wuxuu Maanta Ku Tashaday Musharixii Kulmiye Inuu Madaxweynihii Meelkasta Geeyo Oo Uu Yidhaahdo Igu Balami, Waar Miyaa La Inagu Balaminayaa Cid? Xorbaynu Nahay, Farteena Ayaynu Ku Codaynaynaa” Siyaasi Maxamed Yoonis 

Burco, (ToggaHerer) – Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Somaliland oo ka tirsan hogaanka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa kumanaan taageerayaasha xisbiga isbadal doonka ah ee Waddani kala qaybgalay isku soo baxa maalintii koowaad ee ololaha xisbigaasi.

Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis ayaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ku eedeeyey inay soo sharaxeen Musharax bulshada kala qaybiya, isla markaana boobka hantida caan ku ah, waxaanu intaasi ku daray Mr Yoonis in Musharaxa Kulmiye uu ku tashaday in Madaxweynihii qaranka uu meelkasta geeyo oo uu yidhaahdo igu balami.

Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlaya dadweynaha magaalada Burco ee taageersan xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi  “Shacbiga Togdheer, Shacbiga Burco way tashadeen, guushu waa Waddani, waa xisbiga la dagaalamaya qabyaalada, waa xisbiga maanta la dagaalamaya in la idin kala qaybiyo in dib la idiinku xidho qoobad qoobad ma ogolin, in la idin kala qaybiyo ma ogolin, Kulmiye wuxuu ku guulaystay in la idin kala qaybiyo oo Burco uu laba ka dhigo, wuxuu ku guulaystay inuu maanta keeno Murashax ina kala qaybiya.

Walaalayaal waxaanu maanta idiin wadnaa murashax guul keenay oo idin midaynaya oo aan idin kala firdhinayn oo isku kiin ururinaya.

Waxaad ogtihiin in dadkeenii oo abaaroobay oo caydhoobay oo abaartu soo barakicisay ay maantana Kulmiye hantidii ummadda boobayaan oon u aaba yeelayn oo hantidiinii la boobay ilaa xabaalihii ayaa la qaatay.

Wuxuu maanta ku tashaday musharixii Kulmiye inuu Madaxweynihii meelkasta geeyo oo uu yidhaahdo igu balami, waar miyaa la inagu balaminayaa cid? Waa maya, xorbaynu nahay, farteena ayaynu ku codaynaynaa, wuxuu awal odhan jiray hebel iga reeba, waad la socoteen anigu waxaan ahaa ninkii la tartamayey ninkii laga boobay waad ogaydeen 14 Wasiir oo cududii ugu weynayd ah ayaanu maalin cad kaga baxnay, xaq-daraanu kaga baxnay, cadaalad daro jirtay ayaanu uga baxnay, dimuqraadiyadii oo laga talaabsaday ayaanu uga baxnay. Maanta waataa guushii ugu balaadhnayd wadna ee ku soo biiray xisbiga Waddani, waanagaa Waddani nimid een loo kala hadhin eed ogaateen Waddani wuxuu yahay.

Burco way baahan tahay, Burco waxay u baahantahay horumar, waxay u baahantahay dhaqaale, waxay u baahantahay shaqo abuur, waxay u baahantahay duruuftaa adag ee aad ku jirtaan in la idinka maamuuso, waxay u baahantahay in wax loo qabto, horumar ayay u baahantahay Burco, waxaanu idiin balanqaadaynaa inaanu horumarkiina keeno, inaanu jidadkiina dhisno, inaanu iskuuladiina samayno, inaanu caafimaad idiin samayno.

Waxaanu leenahay Burco waa halkii dhalinaysay Ictiraafka umadda, waa halkii nabada Somaliland ku dhalatay, waa halkii Somaliland maalintii aynu ka goosanay Somalia isugu nimid.” Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis.

Advertisement

Ku Xayeysiiso