Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku Wuu ka seexday Shaqadii Qaranka u hayay

Waxa dadku in badan iswaydiiyaan cida ay tahay inay ku ilaaliso ku dhaqanka sharciga dalka dhamaan muwaadiniinta iyo Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyhayba. Hadaba Xeer Ilaaliyaha Guud oo waajibkuusuba yahay inuu cid kasta ku ilaaliyo xayndaabka shuruucda dalka sida uu sheegayo Xeer Nidaamiyaha Garsoorka, xeer number 24/2003  Qodobkiisa 45aad faqradiisa  1aad oo u dhigan sidan “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu dhawrayaa ilaalinayaa shuruucda Dalka” faqrada 2aad “Wuxuu oogayaa kana qayb gelayaa dacwadaha ciqaabta isaga oo qaranka matelaya.

 

Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu la darajo iyo xasaanadba yahay Gudoomiyaha Maxkamada sare sida isla sharcigaasi dhigayo. Waxa waajibaadkiisa ugu weyn ka mida sida sharcigaasi sheegayo inuu cidii jabisa ku dhaqanka xeerarka dalka uu dacwad ku soo oogo si waafaqsan shuruucda dalka darajo kasta iyo mansab kasta haba hayee ama hay’ad kasta oo dawliga ama mid gaar loo leeyahayba ha noqotee. Maanta shuruucda dalka sidii la doono ayaa loogu tuntaa xafiiska Xeer Ilaaliyuhuna kama hadlo cidna talaabo kama qaado. Shaqadiisiina waxay ku oo ururtay dacwado yaryar oo shacabka caadiga ah la xidhiidha sida saxafiiyiinta iyo wixii la hal maala.  Tusaale ahaan shacabku sanadihii u danbeeyay waxay iswaydiinayeen sababta sharciga loogu ilaalin waayay Xisbiyada Qaranka sida ku cad Dastuurka Qaranka Qodobkiisa sagaalaad 9aad (3) oo ka reebaysa inay xisbiyadu ku sifoobaan xisbiyo qabileed iyo inay ku ololeeyaan nidaam qabiil sida maanta xisbiyada ugu waaweyni aanay cidna ugala gaban inay qabaa’il ku ololeyaan oo cod dheer iyo mid gaabanba saxaafada horteeda kaga hadlaan ololaha qabiilka ku salaysan iyaga waliba boodhadh waaweyn ku muujiya ololahooda qabiilka ku salaysan ee aanay cidna ka qarsan.  Sidaas oo kale salaadiintii dalka oo si cad ugu ololeynaya hab beeleed cad oo waliba saxaafada loo soo bandhigayo si ay u baahiso ololaha nuucan ah.

 

Waxay ahayd shaqadii xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranku inuu ka hadlo, digniin culusna siiyo xisbiyada iyo salaadiinta dalka ee xisbiyada ugu ololenaaya hab qabyaaladeed.  Waxan leeyahay Xeer Ilaaliye shaqadaada qabso, adiga ayay tahay inaad sharciga dalka ku ilaaliso, cid kasta oo jabisana aad ku soo oogto dacwad ka dhan ah. Hadaad adigu ka hadli waydo shuruucda dalka ee lagu tumanayo cida kale ee ka hadli kartaa  waa ayo, ma madaxweynaha ayaad ka sugaysaa inuu wax kuu yeedhiyo. Haka sugin madaxweynaha ee shaqadiina qabsada oo sharciga ku ilaaliya cid kasta siiba inta mansabka haysa ama Hay’adaja dawliga madaxda ka ah ama bulshadaba dhexdeeda magac qabiileedka ka haysa ee sharciga dalka gacmahooda ku qaatay.

 

Tusaale ahaan, xisbiyada qaranka qaarkood mudo laba sano ah ayay olole siyaasadeed oo ka hor imanaya sharucuuda doorashooyinka wadeen, sida uu sheegayo qodobka 28 ee xeerka doorashooyinku, wa mamnuuc inuu xisbina sameeyo olole doorasho oo aanu sharci jidayn inta u dhaxaysa labada doorasho.  Hadii sharciga dalka cid ilaalisa la waayo, saw dalkuba jaantaa rogan noqon maayo sida uu maantaba yahay, ee af miishaariintu hadalkay doonaan oo laf jab ku ah qaranimada iyo sharafta umadaba ay warbaahinta marinayaan. Waxa la yidhi meel ka muuqo ama iskaga maqnaw, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud waa inuu shaqadiisa qabsadaa oo uu fadhiga ka kacaa maadaama wakhti xaasaasiya lagu jirana si gaara ugu kormeeraa sharciga dalka cid kasta.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Yuusuf Wacays.

Advertisement

Ku Xayeysiiso