Xisbiga Ucid oo Ku Baaqay in la Joojiyo Ololaha Habeenkii Sidoo kalena sheegay In Maalinta Jimcaha Olalaha Kharashkii ka Bixi lahaa u Qaybin Doonaan Gobolada Dalka!!

“Yaanay Idin waalin Muse Biixi iyo Cirro Waa Very Local meel la isla Marayo Ma oga Baahida Dadkeenu marayso Ma oga, Kursigaa u Muuqda Berito markay Qabtaan Meel Ay mariyaan garan Maayaan agenda ma leh Kurisgaa waxaan ahayn  Kolba Suldaan bay diranayaan Caruurtay Qabiil ku abuurayaan“

 

 

Hargeysa/ToggaHerer Gudoomiyaha xisbiga Ucid ahna Musharaxa Xisbigaas Eng Faysal Cali Xuseen ayaa ku baaqay in la Joojiyo Ololaha Habeenkii La Wado Mar uu ka Hadlayay Ololaha Habeenkii Wuxuu Yidhi:-

“Hadaynu dimuqraadiyad qaadanay maaha in aynu fusuq keeno hana bilaabamo Ololahu Lixda Subaxnimo Ilaa Lixda Galabnimo Habeenkii dadku waa nasanayaa taageerayaashuna waa in ay asluub kumaraan , habalaha iyo wiilasha is dhex yaacayana la joojiyo khayriyadana ha la kala sooco.“

Mar uu ka hadlaayay Maalinta Jimcaha oo Xisbigiisu u lahaa Maalinta Ololaha Wuxuu Yidhi:-
“Maalinta Beri waxaan Ka Qaybgali doonaa Isu Soo Baxa Boorama oo aan tagi doono Jimcuhu Waa MaaliN Cibaado , Waxaana ku Jirta Saacadtu Ijaaba Maalintaa ma ordi doona anagu Lacagta Faraha badan ee baxaysayna Sadaqad Baanu ku bixin doonaa Lixda Gobol ba wixii aanu gaadhsiin karno Dadka Nugul , Agoomaha barakacayaasha“

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso