Beijing Oo Ka Hadlaysa inay Abuurtay 11 milyan oo shaqo ah Sanada 2017

Heerka shaqo la’aanta Shiinaha ayaa hoos u dhacday 3.95 boqolkiiba dhammaadkii Sebtembar heerka ugu hooseeya sanadaha Wasaaradda Shaqaalaha iyo Adeegga Bulshada ayaa sidaas ku sheegtay Bayaan ay soo saartay.

Shiinaha ayaa 10.97 milyan oo shaqooyin cusub ah fidiyay intii u dhexeysay bilihii 1aad iyo 9aad korna u kacay 300,000 oo shaqo sannadkii hore sida lagu sheegay bayaanka.

Wasiir Shiinaha Wayne Weimin ayaa sheegay in qalinjebiyayaasha jaamacadda ay yihiin kuwa ugu baahida badan ee abuura shaqooyin cusub. Waxa uu sheegay in cadaadiska shaqaaluhu uu ahaa mid aad u weyn isaga oo intaa ku daray in China ay awood u leedahay in ay sii wado xaalad shaqo oo xasilloon inkastoo caqabado jiraan.

Shiinuhu wuxuu u baahan yahay inuu u abuuro shaqooyin cusub 15 milyan oo qof sanadkiiba wuxuuna sii wadi doonaa inuu taageero ganacsi si uu u gaadho, ayuu yidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso