Hargeysa:  Xisbiga Waddani Oo Isku Soo Bax Balaadhan Ku Muujiyey Taageerada Ay U Hayaan Musharixiintooda

Hargeysa, (ToggaHerer) – Kumanaan taageerayaasha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa ayaa isu soo  bax ay ku muujinayaan taageerada xisbiga Waddani ka dhigay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Taageerayaashan oo markii dambe isugu soo biyo shubtay xarunta Beerta Xoriyada ee Hargeysa ayaa waxa kala qaybgalay Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta xisbiga Waddani oo uu horkacayey gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xoghayaha Xisbiga Waddani, Siyaasi Axmed Xuseen Caydiid, Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, Siyaasi Ismaaciil Buubaa, Faadumo Siciid, Cabdilaahi Jawaan iyo Siyaasiyiin kale.

Ugu Horayn Cabdiqaadir Jirde oo taageerayaasha xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa khudbad qiimo leh halkaasi uga soo jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Ninka doonaya inuu lacag xaaraan ah, lacagtiinii, dilaalkii DP World, saldhigii la iibiyey lacagtiisii ayuu doonayaa in lagu doorto, wuxuu ku darsaday beentaa qaawan in ummadda tacsiyadaysan (xamar) laga been abuuray.

Waxa la yidhi gadhka laga wareen beenta saw kama jeelbeelo, waar beenta ka jeel beela intaasaa beenta ummadda u sheegayseen, waar walaahinaanay soconayn dadku wuu koray, kursiga ayaynu isku haysanaa ee xamar uma tartamayno.

Muuse waxaanu ku leenahay sidaa la tilmaamay Gudoomiyaha Xisbiga iyo Musharaxaba xaaraan ayaad ku fuushay ragbaa lagaaga hiiliyey, xeerkii xisbigaa laguu jabiyey, lacagtaad ku ololaynaysaa waa lacag xaaraan ah waa Dekedii Berbera waa DP World, waa saldhigii, inaadeerow adigoo labadaaba isku darsaday aakhiradaada ka baqoo beenta iska daa, beenta ummadda ka daa.Kursiga been ku fuuli maysid, Kursi aad been ku fuulaysaa Muusow ma jiro, waa la soo jeedaa raganimadaada iyo tamartaada badka la kaalay, anagu been kaa sheegi mayno oo ku odhan mayno xamar buu doonayaa oo ku odhan mayno cid kale ayuu u shaqeeyaa, kuuma quudhno, waanu kaala xishoonaynaa, waar nagala xishood waxaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqay in aan la kala qabin oo ay ilaashadaan midnimada Somaliland, waxaanu ku eedeeyey xisbiga Kulmiye inuu xoqayo colaadihii sokeeye ee Somaliland soo maray sagaashamaadkii.

Advertisement

Ku Xayeysiiso