Maxkamad ku taalla Pakistan ayaa Khamiistii soo saartay amar lagu soo xidhaayo Ra`isul Wasaarihii hore Nawaz Sharif oo lagu eedeeyay kiisas musuq-maasuqa kadib markii la helay fadeexad Panama Securities.
Shariif wuxuu haatan ku sugan yahay London isaga iyo xaaskiisa Kalthoum oo daweyn uga socota xanuunka kansarka oo haya isla markaana uusan ku laaban dalkiisa tan iyo markii lagu eedeeyey musuqmaasuqa inkastoo uu sheegay inuu laaban doono.
Dhamaadkii bishii July Maxkamada Sare ayaa casishay kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq qoyskiisa ah isaga oo ahaa ra’iisul-wasaaraha 15aad tan iyo madax-bannaanida Pakistan 70 sano ka hor ee laga ceydhiyay ka hor dhamaadka muda Xileedkiisa.
Shariif ayaa hore ula kulmay dacwad la mid ah tan oo kale.
Warqabadka ToggaHerer