Washington: Xukunka Qoyska Assad wuxuu ku socdaa Jidka dhamaadka

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Rex Tillerson ayaa Khamiistii sheegay in xukunka madaxweynaha Bashar al-Assad ee reer Suuriya uu ku dhow yahay dhammaad isaga oo intaa ku daray in arrinta kaliya ee ay tahay “sidii loo samayn lahaa.”

“Xukunka reerka Assad wuxuu ku dhaw yahay dhammaad, arrinta kaliya ee ka hadhay waa sida loo sameynayo,” ayuu Tillerson u sheegay saxafiyiinta intii uu kulan la lahaa Ergaygga caalamiga ah ee Syria Staffan de Mistura magaalada Geneva.

“Maraykanku waxa uu doonayaa Syria midaysan oo aan  door ku lahayn Assad iyo dowladdiisa,” ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray inuu ku celinayo sida ay Washington uga go’an tahay dib u soo nooleeynta geeddi-socodka nabadda Geneva ee Suuriya mudadii uu la kulansanaa de Mistura.

Siiriya ayaa la kulantay khilaaf hubaysan laga soo bilaabo 2011-kii taas oo ay ku dhinteen in ka badan 300,000 oo qof waxaana ku barokacay malaayiin dad ah. Bilihii dhawaa xooga dagaalka ayaa hoos u dhacay ka dib markii heshiis Ruush-Turki ah iyo Iran  oo ku saabsan degaannada si loo yareeyo korodhka .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso