Ardayda Maxkamadaysay Dugsi ku Khasbay in ay Timaha Madoobayso

Ardayad dhigata dugsi sare dalka Japan ayaa dacwad ku soo oogtay xukuumada Osaka kadib markii iskuulkeeda oo Duwali ahi ku khasbay inay Timaheeda oo Buni ah ay Madoobayso.

Inanatan oo 18-jir ah ayaa u sheegtay Maxkamadda Degmada Osaka in hooyadeed ay ku wargelisay iskuulka Kaifokan ee magaalada Habikino markii gabadha magaceeda la diiwaan-geliyay in midabka timaheeda yahay mid dabiici ah se dugsigu mamnuucay midabaynta timaha.

Macallimiintu waxay amar ku siiyeen ardayda in ay timaheeda soo madoobayso si joogta ahna u mariso madoobaysada oo ah mid aan ku filnayn ama ka tagto dugsiga,” ayaa wakaaladda wararka ee Kyodo ka soo xigatay dacwadda.

Warbaahinta ayaa soo warisay in gabadhu aaney dugsi tagin tan iyo Sebtembar 2016 xanuun maqaarka ahina ku dhaceen ayna sabab u tahay madoobaysadii lagu khasbay in ay marsato haatana dalbanayso magdhow dhaawaca qiyaastii 2.2 milyan oo yuan ($ 19,300). Dawladda gobolka Osaka waxay waydiisan doontaa maxkamadda in ay joojiso kiiska, ayay tidhi.

Iskuulo badan oo ku yaala Japan ayaa sameeya sharciyo adag oo ku saabsan midabka timaha, qurxinta iyo labiska oo ay ku jiraan dharka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso