Dubai oo Martigalinaysa kabaha ugu qaalisan adduunka oo dhan $ 15 milyan

Dubai UAE waxay martigelin doontaa Bandhiga kabaha ugu qaalisan adduunka oo qiimaheedu yahay 55 Milyan oo Dirham una dhigma 15 Milyan oo Dollar-ka marykanka ah Arbacada soo socota.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Al Bayan” ee UAE kabaha waxaa lagu soo bandhigi doonaa dadweynaha hortiisa Hoteel Qaali ah oo ku yaal Dubai, si loogu dabaaldego sannad-guuradii tobnaad ee dhismahiisa kabahan ayaa ka Samaysan Macdanta diamond.

Kabaha ugu qaalisan adduunka waxaa sameeyey Debbie Wingham waxaana lagu daboolay in ka badan 1,000 xabbo oo dheeman saafi ah oo dhif ah oo lagu tolay iyo dahab 24-gauge.

Kabaha ayaa sidoo kale lagu qurxiyay laba qaybood oo ah 3-karat dheeman madow laba xabbo oo dheeman buluug ah oo mid waliba lagu dhajiyo hal carat, iyo afar xabbo oo dheeman cad oo cad oo miisaankeedu yahay 3 karatkiiba.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso