Hooyo Jidh Dishay Inanateedii Ka Dib markii Ay u akhriday Kitaabka Kiristaaka Si khaldan!!

Masiirkeeda ayaa Noqday Xabsiga hooyo gobolka Pennsylvania ka dib garaacis iyo ciijin ay inanteeda u geysatay sababtoo ah waxay si khalad ah u akhriday Kitaabka Kiristaanka.

Rhonda Schofner oo 41 jir ah ayaa lagu xukumay laba sano iyo badh ilaa shan sano inta u dhaxaysa oo xabsi ah ka dib markii lagu soo oogay dambiga ay u geystay inanteeda 13-jirka ah.

Bilayska ayaa sheegay in Inanta lagu qasbay inay Rukuucdo musqusha Guriga Shofner ee ku yaala Middleton kuna celceliso akhriska Kitaabka Kiristaanka.

Bilayska ayaa intaa Raaciyey in Shofner intay Madaxa Inanta Yar Qabatay ay ku garaacday derbiga markasta oo ay qalad ku samaysayo Aayadka iyada oo u sheegaysa in ay dili doonto iyada oo isku dayaysa inay Ciijiso.

Inanta ayaa sheegtay in Shofner ay ku amartay inay baxdo aynaan dib u soo noqon, sida ay u sheegtay bilaysku.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso