Kumanaan Taageerayaal Ah Oo Si Aan Hore Loo Arag Degmada Salaxley Ugu Soo Dhaweeyay Murashax Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe .

 

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal CalI Waraabe iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta Bulshada ku dhaqan Degmada Salaxley kala kulmay soo dhawayn tii ugu balaadhnayd ee lagu wafti yimaadda Degmadaasi .

Waxaana Soo dhawaynta Murashax Faysal Cali Waraabe ka qeyb-qaatay Kumanaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga UCID ee Degmada Salaxley, kuwaas oo ay wajiyadooda ka muuqatay xamaasad-badan, isla markaana wajiyadooda laga dheehanayay dareen-farxadeed .

Murashaxa ayaa waxaa Dhinaca Magaalada Salaxley u soo galbiyay kumanaan taageerayaal ah iyo boqolaal gaadiid ah, kuwaas oo ay xardhanaayeen astaanta Xisbiga isla markaana ku dhawaaqayay ereyo ay taageero ugu muujinayaan Xisbiga UCID .

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID, Murashaxa Madaxeyne Ku Xigeen  iyo Masuuliyiin kale ayaa meel fagaare ah kala hadlay Bulshada Ku Dhaqan Degmada Salaxley, waxaanay carrabka ku adkeeyeen in halkani tahay meesha aasaaka u ah Xisbiga UCID ee aan lagula tartami Karin .

Sido kale xubnihii ku hadlayay afka bulshada Degmadaasi ayaa sheegay in ay xisbiyada kale ku soo dhaweenayaan xisbiga Balse Xisbiga UCID uu yahay Xisbiga qudha ee taageerada ka haysta Degmada, Codkana ka helaya .

Advertisement

Ku Xayeysiiso