Fiidyaw: Nin Shiineeys ah Oo Jiidhay baabuur si ula kac ah+ Si uu u helo Magdhaw!!!!

Kaamirooyinka ilaalinta ayaa lagu arkay nin ku cararaya baabuur si uu u jiidho dhacdadan ayaa ka dhacday waqooyi-bari dalka Shiinaha, ninkan ayaa sidan u sameeyye si uu u helo magdhow

Sida ka muuqata fiidiyowga ninka ayaa sugayay calaamada ishaarada ee magaalada Changchun City markii gaadhigu soo dhawaadayna xagiisu ayuu u cararay si uu madaxa ugu dhufto gaadhiga.

Ninka ayaa waxoogaa dhaawac ahi soo gaadhay inkastoo markii uu ku dhuftay u muuqatay inay xoogan tahay, sida ay Daily Mail werisay.

Khiyaamada Ninkan ayaa ah mid aad looga yaqaan Shiinaha waxaana xoog loogu soo bandhigay Baraha Warbaahinta taas oo Sawiradu muujiyeen in isagu(Ninku) ahaa ka Isagu jiidhay gaadhiga xooga u roorayay.

Sida laga soo xigtay Bartay Shiinaha ee Sohu, shilku wuxuu dhacay October 23.

Sida laga soo xigtay wargeyska ingriiska noocaan khiyaanada oo kale ah wuxuu noqday mid aad looga yaqaan Shiinaha waqtiyadii ugu dambeeyay, maadaama qaar ka mid ah naftooda ay jiidhsiiyaan gaadiidka sheegana inuu si ula kac ah u jiidhay si ay u heelaan magdhow dhaqaale.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso