Daawo Ruushka: Shaqaale Waran ku dilay Madax Kuti (Dub) Burburiyey Gurigoodii

Kaymaha Waqooyiga Bari ee Ruushka ayaa shaqaale ka tirsan shirkad maxalli ah ayaa dilay Dub ama Madax Kuti weyn Waran Gacmeed ka dib markii Guryaha Gawaadhida ka samaysan ee guurguura uu soo galay ka dibna uu burburiyey wixii yaalay.

Madax Kutidan ayaa xerada soo galay isagoo raadinaya raashin waxaanu galay gaadhiga intii ay maqnaayeen dadkii degganaa laakiin muu awoodin inuu ka baxo.

Markii ay xerada ku soo noqdeen ayna ku arkeen Dubka waxay go’aansadeen in ay dilaan maxaa yeelay waa xayawaanka wax ugaadhsada halisna ah, waxayna ku dhufteen waran laga sameeyey mindi kuna xidhnaa ul kaas oo ay kala eegteen daaqada Gaadhiga.

Shaqaaluhu waxay adeegsadeen Gaadhi Noociisu Yahay Xamuul si ay uga saaraan bakhtigii Dubka weyn iyaga oo ku xidhay xadhig ka dibna kaga soo jiiday.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso