Tacsi Madaxweyne Geerida Marxuum Alle ha u naxariistee gashaanle sare Maxamed Cabdi Bisle

TACSI MADAXWEYNE – 31/10/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidamada qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum gashaanle sare Maxamed Cabdi Bisle oo ku geeriyooday maanta, 31.10.2017 magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sarkaal door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee dalka iyo dib u dhiskii ciidamada qaranka Somaliland oo uu ilaa wakhtigan ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ciidamada hoggaanka u ah.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka bu h siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso