Hoggaamiye Maafiyo Oo amray in la dilo gabadhiisa kadib markii Ay Jeceyl u Qaaday Askari boolisa

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa xidhay hoggaamiyihii maafiyada ee Siciliya oo amar ku bixiyay in gabadhiisa la dilo isaga oo xabsiga ku jira isaga oo ku ciqaabaya in jacayl dhex maray Nin Bilays ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Guardian” wiilka hoggaamiyaha maafiyada ma uusan ka jawaabin dalabkii aabihiis waanu diiday inuu dilo walaashii.

Hoggaamiyaha Maafiyada Pino Scaduto ayaa la sii daayay bishii Abriil ka dib markii xabsiga uu ku soo qaatay Kiis kale oo uu xidhnaa laakiin farriinta waraaqihii uu xabsiga ka soo dhex diray baa la helay.

Baadhayaasha ayaa ogaaday in aabahu wiilkiisa uu xidhiidh la lahaa intii uu xidhnaa kuna yidhi “Walaasha waxay noqotey Wardoon” isagoo tixraacaya xidhiidhka ay la leedahay Nin boolis ah.

Laakiin wiilka oo loo haystay dacwad kale oo lagu soo oogay ayaa diiday inuu fuliyo amarka Aabihii waxaanu ku yidhi “Ma samayn doono haddii aad rabto inaad samayso adigu samee maxaa igu khasbaya inaan dhibaatada galo da`daydu waa 30 jir?”

Markii wiilku diiday inuu fuliyo amarka aabbihii wuxuu nin kale oo Siciliyiin ah u diray inuu dilo gabadhiisa laakiin sidoo kale isna uu diiday arrinkaa waxaanu ku sheegay inuu yahay arrin qoys inuu galo na aanay ahayn.

Aabaha ayaa la xidhay isaga iyo 15 xubnood oo kale oo ka tirsan maafiyada kuwaas oo dhammaantood lagu soo oogay eedaymo ah in ay sameeyeen Koox maafiyo ah iskana dhigaan qandaraaslayaasha biyaha iyo dhismaha biyaha ee gobolka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso