su’aalo ku haboon in la is weydiiyo marka mawduuc la falanqaynayo. W/Q KADIM ALI

Maqaalkii hore waxaynu ku soo qaadanay (SIDEE MAWDUUC LOO FALANQEEYAA?).

Maqaalkaas oo aynu kaga waranay sida ugu wanaagsan ee mawduuc looga hadlo. Maqaalkaasi waxa uu ka hadlayay afar shay oo muhiim u ah sidii loo heli lahaa falanqayn is-faham iyo ixtiraam ku dheehan tahay ,xog, fikrad iyo khibradna la kala faaidaysto.

Waxa saldhig u ah falanqayn kasta hal mid :

Rayiisweydaarsi oo ay la macno yihiin hadalada sidan oo kale ah :

(Waa maxay aragtidaa ku saabsan ama sideed u aragtaa……….?

Waxa nidaamka, aqoon is-weydaaarsiga iyo habsami u socodka falanqayntana gun-dhig u ah saddexdan:

Xogta , fikradaha iyo khibradaha uu qofkastaa ku qurxinayo kuna ladhayo hadalkiisa iyo doodiisa.

Dhinac kale hadaynu ka eegno falanqayntu waxay leedahay su’aal iyo jawaab. Su’aashu waxa u dhigma oo booskeedii metelaysa weedha Ray’iga ,tusaale ahaan ( waa maxay Ra’yigaaga ku saabsan….. mawduucan?, jawaabta aad bixin doontana waxa ku jira saddexdan ama midkood , xogtaad hayso, fikradahaaga iyo khibradaad u leedahay su’aashaas hore lagu waydiiyay.

Maqaalka aynu qormadan ku soo qaadan doonaa waxa uu noqon doonaa :

(su’aalo ku haboon in la is waydiiyo marka mawduuc la falanqaynayo).

Maqaalkan waxaynu ku qaadan doonaa hab sawir ah, si macnuhu u fududaado,qoraalkuna u soo koobmo. Su’aalahan marka aynu is weydiinayno waxaynu isticmaalaynaa weedha (Ra’yi)

Tusaale ahaan AXMEDOW sideed u aragtaa (Ra’yigaaga) manhajkan cusub ee loo sameeyay dugsiyada SOMALILAND?

Jawaabta AXMED waxaynu ku arki doonaa qaar ka mid ah saddexdii ahaa qalabka su’aal lagaga jawaabo. Jawaabahaas oo noqon kara sidan oo kale:

Axmed Xogta uu ka hayey heerka ay taagnayd tayada manhajkii hore , ayaa uu u adeegsan karaa inuu ku qiyaaso tayada manhajkan cusub. Sidoo kale Fikrado lagu horumarin karo manhajkan ayaa uu ku soo bandhigi karaa Ra’yigiisa.

AXMED waxa uu qiimayn karaa manhajkan isaga oo isticmaalaya khibrada uu u leeyahay mawduucan ama uu garanayo cid aqoon u leh mawduucan, tusaale ahaan AXMED waa macalin dugsi sare.

Waa kuwan sua’alihii ku haboonaa in la isweydiiyo marka mawduuc la falanqaynayo.

 

 

 

Ugu dambayntii su’aalahan sawirka ku qorani waa qaar aynu ku kala qaadan doono aragtiyo kala duwan markaynu ka jawaabno. Kuwaas oo inaga caawin doona inaynu xalal u helno baahiyaha kala duwan ee bulshada.

Waxaan ka soo qaatay buugga :

(Conversation Intelligence)

JUDITH E. GLASER.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso